Qaramada Midoobay oo kaaliye cusub usoo magacawday Soomaaliya

Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa Anita Kiki Gbeho, oo u dhalatay dalka Ghana,usoo magacaabay in ay noqoto ku-xigeenka wakiilkiisa gaarka ah ee howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM.

Haweeneydan oo sanado badan usoo shaqeesay Q/M  ayaa xilkan kala wareegysa Raisedon Zenenga oo u dhashay dalka Zimbabwe, waxaana Zenega isna loo magacaabay in uu noqdo  kaalliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Libya.

Anita Kiki Gbeho ayaa leh qibrad 25 sano ah oo la xiriirta qorsheynta istaratjiyadda, isku duwidda iyo maamulka siyaasadda, waxayna kasoo shaqeysay xafiiska horumarinta arrimaha binu’aadannimada Qaramada Midoobay ee New York.

Haweeneydan loo soo magacaabay ku-xigeenka wakiilkiisa gaarka ah ee howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa horey uga soo shaqeeysay dalal colaado ka dhaceen oo ay kamid yihiin Angola, Cambodia, Iraq, Namibia, Sudan iyo Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -